Qoys Soomaaliyeed oo 6-Caruur ah oo ay dhaleen looga qaatay Magaalada New York.
Bartamaha(Poffalo/New York):-Qoys Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Poffalo Ee Gobolka New Yotk dalka Maraykanka ayaa waxaa laga qaatay illaa 6-caruur ah oo ay dhaleen.
Malayka Sabdow oo ah hooyada dhashay Caruurta ayaa Saxaafada u sheegtay in Illaa 6-Caruurtii ay dhashay ah laga kexeestay ka dib markii mid ka mida uu Aabihiis canaantay ka dibna ay ka qaateen caruurta oo idil Dowlada Hoose.
Hooyo Malayka Sabdow ayaa waxa ay sheegtay in Caruurteeda ay ka qaateen Laanta Xanaanada Caruurta Ee Dowlada Hoose Magaalada New York bishii July illaa hadana aanay ka warqabin caruurteeda.
Hooyada ayaa sheegtay in aanay aqoon wanaagsan u lahayn Luqada Englishka islamarkaana aabaha dhalay Caruurta uu isaguna ku liito hadalka taasina ay dhalisay in ay afgaran waayaan Laanta Xanaanada Caruurta Ee Magaalada .
Hooyada Caruurta dhashay ayaa waxa ay sheegtay in 6-Caruurta ah mid ka mida ay Umul kula jirtay xiligaasina uu jiray wax ka yar 2-Bil illaa 4-Biloodna uu haatan ka maqanyahay.
Hooyo Malayka ayaa ka codsatay dhamaan Jaaliyadaha Soomaalida ee Dalka Maraykanka in ay u doodaan sidii ay u heli lahayn Caruuurta ka maqan oo ay u badbaadin lahayd Nolosheeda iyo midka Aabaha dhalay oo haatan Qatar ugu jira in ay Miyir beelaan.
Hooyada Caruurta dhashay ayaa xiliga ay hadlaysay waxaa laga dareemayay in ay niyad jab xoogan uu ku dhacay maadaama aanay aqoon wanaagsan u lahayn Luqada iyadoo sheegtay in ay dalkaasi ku cusubtahay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments