Calendar

QM oo Soo Dhaweysay Bixintaankii Al-Shabaab Muqdisho

Mahiga

(Nairobi Kenya:-) Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr.Augustini Mahiga ayaa soo dhaweeyay bixitaanka Alshabab ay shaley ka baxeen magaaladda muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee QM dalka Somalia UNPOS ee magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu soo dhaweeyay bixitaanka Alshabab uu ka baxay magaalada Muqdisho.

Mahiga ayaa yiri “Waxa aad ii farad galiyay in aan arko horumarka maalmihii u dambeeyey laga sameeyey amaanka magaalada Muqdisho, Shaki kuma jiro in bixintaanka Al-sahbab uu noqon doono arrin wanaagsan iyo talaabo horrey loogu qaaday dhinaca fiican marka la eego magaalo burbur iyo dhib daran la kulantay.”.

Dr. Mahiga waxa kale oo uu yiri “Laakiin innaga oo hore u socona, waa inaan ogaanaa khatarta dhabta ah ee dhinaca amaanka, oo ay ka mid yihiin weeraro argagixiso oo ay tahay inaan la dhayalsan”.

Waxa kaloo uu sheegay Danjire Mahiga in Kooxaha hubeesan ay horrey u faaruqiyeen goobo muhiim caasimadda, oo uu ku jiro suuq bakaaraha”

Dagaaladda u dhexeya DKMG ah iyo Al-Shabaab waxa ku dhintay tobaneeyo kun oo dadka muqdisho ka hor inta xaaladda macluusha aysan bilaaban ,Abaarta kaatagan Koonfurta Soomaaliya taas oo sababtay buu yiri in ay socod galiso dad da’ ah iyo caruur oo ku dhaqnaa magaaladda labadoo bilood ee la soo dhaacay.

Wax kaloo uu yiri: “Sida ugu dhaqsiyaha badan waa in mudnaanta loo siiyaa siddii diiradda loo saari lahaa xaaladda bini’aadimo, waxa aan ugu baaqi lahaa dhamaan dhinacyadda laga bilaabo wadamadda deeqaha bixiya dhinacyadda TFG-da in ay sameeyaan wax kasta oo lagu hubinaayo in gar-gaar lagu gaarsiiyo dadka u baaha” ayuu yiri: Mr. Mahiga stressed.

Ugu dambeentii waxa uu ugu baaqay Dowladda Fadaraalka KMG ah, in ay fursadan u isticmaasho wax kasta oo ay ku caawineyso rayidka u baahan in la badbaadiyo.

W/D:Xafiiska Wararka www.bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
www.Bartamaha.com Isha Wararka Soomaalida iyo kuwa Dunidda

Warar iyo Warbixino lagu kalsoon yahay ka dalaaco www.Bartamaha.com

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: