Qm oo sheegtay inay ka war sugayso madaxda dowlada
Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha somalia oo waraysi siiyay mid ka mid ah idaacada Muqdisho ayaa shegay in xiligaan aay ka warsugayan madaxda dowlada somalia ee ku Mashquulsan arimaha magacaabista farmaajo.
Ogostina Mahiga waxa uu sheegay isaga oo ku suga magaalada Nairobi ee dalka kenya inuusan ka Hadli karin waxyaanihii ka soo baxay kulankii dhawan ka soo baxay magaalada kampalla ee dalka Uganda.
“Waan ogahay wariye ayaa tahay waxaad jeceshahay inaad wax walbaa la socotaa laakiin waxaan Kaa codsanaya in aad marke su’aashaas i weydiisaa aniga ayaa kaaga jawaabayaa”ayuu yiri Mahiga.
Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan somalia waxa kale uu sheegay inuu qabsoomayo kulankii wada Tashiga somalida kana dhacayo magaalada Muqdisho ee caasimada somalia.
Mahiga waxa uu sheegay in kulankaasi aay ka qeyb galayan madaxda maamul goboleedyada puntland Galmudug Culumaa’udiinka Ahlu sunna iyo Dowlada Somalia.
Mahiga ma uusan caddeyn waqtiga rasmiga ee uu kulankaa dhacaayo lkn waxa uu carabaabay Kaliya inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho.
xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments