Calendar

QM oo sheegtay in ka badan 3,700 Soomaali ah qoxooti ah ay bishan kaliye gaareen dalka Yemen

Geneva (www.Bartamaha.com):- Warbixin ay ka soo saartay hay’adda QM u qaabilsan Qoxootiga (UNHCR) magaaladda Geneva ee dalka Switzerland , ayaa lagu sheegay tiradda dadka Soomaalida ee ka gudbaaya gacanka cadmeed in ay korartay.
Bishan August kaliye, ayaa la sheegay in ka badan 3,700 oo Soomaali ah, in ay gaareen dalka Yemen kuwaas oo soo raacay doomo Qatar badan si ay usoo gaaraan dalka Yemen.
UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in ay kor dhayaan tiradda Soomaalida ee doomaha la socda ee gaara dalka Yemen
Adrian Edwards oo ah Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa ugu sheegay suxufiyiinta magaaladda Geneva in ay ka walaacsan yihiin soomaalida isku biimeenaya doomaha qatarta badan ee ku siijeeda Yemen.
Sanadkasta boqolaal qof ayaa ku dhinta gacanka cadmeed iyagoo raba in ay gaaran Yemen, sababo la xiriir doomaha ay la socdaan oo la qalibma ama laga tuuro ayaa lagu yiri warbixinta QM.
Yemen waxa ay noqotay dalka labaad ee ay ku nool yihiin qoxootiga Soomaalida ee gobalka ku nool, waxa ay marti galisay ku dhawaad 192,000 oo Soomaali qoxooti ah, tan bishii January kali waxa gaaray 15,000 oo qof kuwaas oo ka soo cararay gaajadda iyo colaada ka jirta dalka ay ka soo jeedaan.
Tobanaan kun qof ayaa horrey ugu dhintay Soomaaliya ku dhawaad 3.2 million oo qof ayaa la aamin san yahay in ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah siddaasi waxa lagu sheegay warbixinta.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: