QM oo ka deyrisay xaaladda Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay soo wajahday abaartii ugu darneyd muddo toban sano ah.
Isu Duwaha Qaramada Midoobay dhinaca arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in daraasad dhinaca satellite-ka oo la sameeyay ay muujinayo roob yari.
Daraasadda ayaa muujinaysa in abaar xun ay ka taagantahay deegaano badan ka oo ka tirsan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in lo’ badan ay dhimanayso biyo la’aan darteed, taasi oo sababtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay nafaqo la’aan soo wajahdo.
Mr Bowden ayaa muujiyay sida ay u sii kordheyso kaalmo degdeg ah oo bini’aadanimo oo la gaarsiiyo Soomaaliya.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.