Qaybdiid oo ugu baaqay dawlada federaalka iyo Puntland inay wadahadlaan
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku boorriyay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland inay fariistaan miiska wadahadalka oo ay soo afjaraan khilaafaadka u dhexeeya.
Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid oo ka hadlayay sannadguuradii 7-aad ee kasoo wareegatay aasaasitaankii maamulka Galmudug ayaa ku tilmaamay nasiib darro in dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland uu khilaafkoodu meel xun gaaro.
Qaybdiid ayaa ka digay faragalin shisheeye waxaana uu labada dhinac ku adkeeyay inay Soomaalinimo muujiyaan ay danaha guud ee ummada u tanaasulaan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu wado dadaalo uu isugu soo dhawaynayo labada dhinac.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.