Calendar

Qasaara ka dhashay qaraxyo Xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada gudaha Muqdisho.

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Qasaara ayaa ka soo gaaray Ciidanka Dowlada qaraxyo Xalay lagu weeraray xilli ay ku sugnaayeen Xaafada Afisyooni Degmada Waabari.

Qaraxyada oo gaarayay illaa 3-Qarax ayaa waxaa Xalay lagu weeraray Ciidanka Dowlada kuwaasi oo sababay qasaara gaaray Ciidamada la qarxiyay Fiidnimadii Xalay.

Inta la ogyahay 2-Askari aya dhimatay 3-kalana dhaawac ayaa soo gaaray qaraxyada Xalay lagu weeraray Xaafada AFisyooni oo ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi.

Xaalada ayaa saaka ah mid dagan balse waxa ay Ciidamada sameeyeen Howlgal ay saaka aroortii hore dad ku qabqabteen mid ka mida dhalinyada deegaankana ay ku dileen.

Howlgalka saaka ayaa waxa uu ahaa mid daba joogay qaraxyadii Xalay ka dhacay Xaafada Afisyooni Degmada Waabari oo qasaara ka soo gaaray Ciidamadii la qarxiyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: