Qasaara badan oo ka dhashay Madaafiic lagu garaacay Caasimada iyo Xaalada oo Saaka dagan.
Bartamaha(Muqdisho):-Qasaara badan ayaa shacabka ka soo gaaray duqeyn ba’an oo loo geystay Xaafado shacabka ay ku badanyihiin gudaha Muqdisho.
Madaafiic shalay gabal dhiciilagu garaacay goobaha shacabka ay ku badanyihiin ayaa sababtay qasaara badan oo dadka rayid ah gaartay.
Madaafiicda shalay ayaa waxa ay sida roobka oo kale ugu daateen Xaafadaha Siinaay,Suuq Bacaad,Xararyaale,Geed Jacayl,Iyo Suuqa Bakaaraha.
Dhammaan Deegaanadaasi waxaa ku dhintay dad shacab ah oo gaaraya 12-ruux waxaana dhaawac ahaan Isbitaalada loo geeyay in ka badan 42-ruux kuwaasi oo ahaa dad maata ah.
Inta badan dhimashada waxa ay ka dhacday Isgoyska Bakaaraha ilaa Hol-Wadaag wadada u dhexeysa halkaasi oo ay ku yaalaan Boosteejooyinka gawaarida ay ka  baxaan.
Xaalada ayaa saaka ah mid iska dagan mana jirto cid wax iska weydiisay shacabkii shalay lagu laayay Deegaanada ay maamulaan Xoogaga Mucaaradka oo la duqeeyay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments