Qasaara badan oo ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dowlada.
Bartamaha(Muqdisho):-Qasaara xoogan ayaa ka dhashay dagaal maanta dhexmaray Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militariga Dowlada KMG ah gudaha School Booliiyisa.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu bilowday abaara 12:00-kii duhurnimo kaasi oo so xiriir ah u socanayay Muddo ka badan 2-Saacadood ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidanka Booliiska iyo kuwa Militariga eek ala dagan School Bolisiya iyo Haama dhowr.
Labada Ciidan ayaa dagaalkooda waxa uu salka ku hayay qori laga dhacay mid ka mida Ciidanka Booliiska taasi oo keentay in dagaalka uu ka bilowdo labada Xero Ciidan.
Amisom ayaa in muddo ah isku dayaysay qaboojinta dagaalka wallow markii danbe ay yimaadeen saraakiil kale oo ka socotay Madaxtooyada iyo Askarta Amisom oo Ciidanka dagaalamayay kala qaaday.
Inta la ogyahay 10-qof oo 8-ka mid ah ay Askar yihiin ayaa dhimatay waxaana dhaawac soo gaaray 12-askari markii rasaasta ay si toos ah uga dhacaysay dhulka u dhexeeya Xeryaha Booliiska iyo Militariga ay kala leeyihiin.
Wax war ah kama soo bixin Laamaha ammaanka Dowlada KMG ah oo loo sababaynayo dagaalka maanta qasaarahaasi sababay in ay masuul ka yihiin markii muddo dheer la isku daayay Ciidanka dagaalamayay.
Inta badan waxaa joogta iska noqotay dagaalka dhexmaraya Ciidamada Dowlada KMG ah oo marar badan isku qabta qoryaha iyo qaar ka mida oo qabiil ahaan ugu dagaalamaya gudaha Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments