Calendar

Qaraxyo Xalay lala beegsaday Saddex Idaacad oo ku yaala Gudaha Magaalada Gaal-Kacyo.

fmmBartamaha(Gaal-Kacyo):-Qaraxyo ayaa xalay lala beegsaday Saddex Idaacad oo ku yaala gudaha Magaalada Gaal-Kacyo kuwaasi oo dhaawacyo ay ka soo gaareen Saxafiyiin.

Saddex qarax oo aan wax badan kala danbayn ayaa xalay lagu weeraray Idaacado ku yaala Magaalada Gaal-Kacyo Labadeeda dhinac halkasi oo ay ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Qaraxyada ayaa waxa ay ahaayeen kuwa waqti kaliya lala wada beegsaday Idaacadaha kala ah:- Radio Hubo,Codka Mudug iyo Radio Gaal-Kacyo oo dhammaan ah Idaacado madax banaan.

Mudda yar ka dib ayaa waxaa soo if baxay qasaaraha qaraxyadaasi iyadoo Idaacadaha la weeraray ay mid waliba cadaysay weerarka qaraxa ee lagu soo qaaday iyadoo dadka magaalada ay wada dhagaysanayeen Idaacadahaasi la weerarays.

Inta la ogyahay Illa 3-Saxafi ayaa dhaawac uu ka soo gaaray weerarka qaraxyada ah ee xalay magaalada Gaal-Kacyo loogu geystay idaacadaha madaxa banaan ee ka dhisay labada dhinac ee magaalada.

Xaalada ayaa saaka ah mid dagan iyadoo Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgalo baaritaana ah oo lagu samaynayo dadka laga shakisanyahay iyadoo aan la garan illaa haatan cidda weerartay Idacadahaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: