Qaraxyo Xalay lagu weeraray Madaxtooyada Madaxweyne Caalin iyo shirkad Kaluumaysi Koonfurta Magaalada Gaal-Kacyo.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Laba qarax ayaa xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Gal-mudug iyo Shirkad Kaluumaysi koonfurta magaalada gaal-kacyo.
Labada qarax ayaa waxa uu mid ka mida ku dhacay xarunta ay dagantahay  shirkad ka shaqeysa dhinaca Kaluunka kalkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray laba ruux oo dhaawac ahaan loo qaaday.
Qarax kale ayaa waxaa lala beegsaday hoyga madaxtooyada Madaxweynaha loo tanaasulay Gal-mudug Maxamed Axmed Caalin iyadoo laba askari ay halkaasi ku dhaawacmeen wallow aan la shaacin.
Ammaanka ayaa halis galay mudda yar iyadoo howlgalo ay sameeyeen Ciidanka maamulka gal-mudug wallow aan la arag kooxdii qaraxyadaasi geysatay oo goobtaasi ay isaga carareen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments