Qaraxyo waawayn oo ka dhacay Westgate iyo kala orod ka socda xaafadaha ka agdhow
Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Kenya iyo ciidammo ajnabi ah oo caawinaya iyo xoogagga gacanta ku haya dhismaha ganacsi ee WESTGATE ayaa goor-dhow halkaa ka qarxay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha xaruntaas.
Inkastoo aan la caddeyn karin qaraxyadu waxay yihiin, haddana dusha sare ee dhismaha ayaa waxaa ka baxaya qiiq madow, iyadoo ciidamada Kenya ay yaacayaan goobaha ku dhow xaruntaas. Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerar ay weerareen xarunta ayna doonayaan inay maanta noqoto maalintii ugu dambeysay oo ay kooxda hubeysan halkaas ku sugnaadaan. Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ka tirsan askartii Kenya ee ku qaaday weerarka, iyadoo dagaalkan ay ka qaybqaadanayaan gaadiidka ay ku xiran yihiin qoryaha daran-doorriga u dhaca sida gaadiidka loo yaqaan beebaha. Xoogagga hubeysan ee ku sugan gudaha xaruntaas oo la sheegay inay isugu jiraan Soomaali iyo Ajnabi ayaa waxay halkaas la wareegeen Sabtidii la soo dhaafay iyagoo illaa maanta gacanata ku haya, iyadoo kooxaha hubeysan ay ku haysta gudaha xaruntaas dad aan tiradooda la ogeyn. Al-shabaab ayaa sheegtay in haddii la isku dayo in xoog lagu muquuniyo xoogaggooda gacanta ku haya xaruntaas ay layn doonaan dhammaan dadka ay gacanta ku hayaan ee ku jira halkaas.
Comments
comments