Qaraxyo maanta gilgilay caasimada Muqdisho iyo Qasaara askarta Dowlada soo gaaray.
Bartamaha (Muqdisho):- Qaraxyo qasaara sababay ayaa maanta ka kala dhacay Degmooyinka Waabari iyo Xamar jajab ah oo ah dhulka ay Dowlada maamusho.
Qaraxyo kala gooni ah ayaa maanta lala beegsaday Ciidanka Dowlada xilli ay marayeen gudaha Degmooyinka ay dowlada ka taliso waxaana qasaara ka soo gaaray askarta Dowlada markii la qarxiyay.
Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidanka Dowlada xilli uu marayay gudaha Degmada Xamar jajaba waxaana halkaasi ku nafwaayay qaar ka mida Ciidamada.
Qaraxan oo laga maqlay degmooyinka magaalada ayaa waxaa ku dhintay nin sargaal ahaa iyo askar gaaraysa 4-askari oo dhammaan ahaa Ciidanka Booliiska Dowlada KMG ah oo gaariga ay saarnaayeen la qarxiyay.Askarta badbaaday ayaa rasaas ooda ka qaaday waxaana ku dhaawacmay qof Haweenay ah iyo wiil ay wadatay waxaana ay sabab ka dhigtay raaasta iyo qaraxa in xaalada ay qasanto.
Muddo saacad ah markii laga joogay qaraxa ayaa xaalada ay isbadashay waxaana mar kale qarax uu ka dhacay goob aah ka dheereen halkii uu qaraxa hore ka dhacay balse Degmo ahaan ka mida Degmada Xamar jajab.
Qaraxaasi oo la kacay gaaro Ronerd ah oo masuuliyiin iyo askar ay saarnaayeen ayaa waxaa ku nafwaayay Ciidankii saarnaa iyo qaar ka mida raggii ay ilaalinayeen oo qaraxaasi uu haleelay duhurnimadii maanta.
Xaalada ayaa weli ah mid kacsan waxaana xilli waliba la filan karayaa in Ciidanka ay sameeyaan baaritaan adag iyadoo ay Ciidanka ku suganyihiin goobaha qaraxyada ay ka dhaceen maanta oo askar badan ay ku dhamaadeen.
Ma jiro wax war ah oo saraakiisha Dowlada ay ka soo saareen qaraxyada gilgilay dhulka ay dowlada ka taliso waxaana ay qaraxdan imaanayaan xilli horay loo weeraray garoonka diyaaradaha oo ay koox isku qarxiyeen laba Cisho ka hor.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments