Qaraxyo khasaare geestay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Qaraxn miino ah ayaa lala eegtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya eek u sugnaa bar koontarool ay ku leeyihin xaafadda Buula Xuubeey ee Degmadda Madiina.
Qaraxan ayaa geestay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida uu sheegtay Gudoomiye ku xigeen maamulka Degmada Wadajir Xuseen Bootaan Xasan, Xuseen Bootaan ayaa intaas ku daray in qasaaraha ka dhashay qaraxan aysan dad rayid ah waxba ku noqon.
Balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaran ay dad shacab ah wax ku noqdeen, Shacabka iyo ciidanka ay waxyeeladda ka soo gaartay qaraxan ayaa waxa la geeyay Hosbitaal-ka Madiina ee magaalada Muqdisho
Dhan kalle qaran kalle oo Miino ah ayaa lala beegtay ninka ay dowladda Soomaaliya u magacoowday Gobalka Shabeeladda dhaxe gaari uu watay balse waxaa la soo sheegay in ay qasaaro ka soo gaareen ciidankii ilaalada u ahaa. Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhow KM4.
Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ka mid ahaa xaafadha ugu nabad gelyada badan magaalada Muqdisho, taas oo ku timid wada shaqeyn dhex marytay Ciidamda Dowladda iyo shacabka barakacayaasha u badan ee degmooyinkaasi ku nool.
Wixii warar ah kala soco www.bartamaha.com
Bartamaha, Muqdisho-Somalia.
Comments
comments