Qaraxyo ka dhacay Kismaayo oo aan khasaaro gaysan
Qaraxyo isdaba joog ah oo labo ahaa ayaa maantay gilgilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadani ay argagax ku abuureen dadweynaha magaalada ku nool.
Waxayna qaraxyadu ka kala dhaceen xaafadaha Shaqaalaha iyo Farjanno ee magaalada Kismaayo iyadoo guud ahaanba isu socodkii uu istaagay ciidamada maamulkuna ay bilaabeen baaritaano ay ka sameeyeen agagaarka goobihii qaraxyada lala beegsaday.
Guud ahaanba ganacsiga magaalada ayaa xirmay markii ay dadweynuhu maqleen daryanka qaraxyada isdaba joogga ahaa.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.