Calendar

Qaraxyo ka dhacay Garissa

Bom gacmeedyo ayaa lala eegtey kiniisad ku dhex taala xarun booliska oo ku taala magalada Gaarissa halkaas oo ku cibadaysanayeen dadka Aamisan diinta Kirishtaanka.

Inta la xaqiijiyey 1-qof ayaa geeriyooday, dad ka badan 11-qofna way ku dhaawacmayn  oo 5-kamid ah ay ahayeen boolis iyo wadaadkii kinisadda.

Qaar kamid ah saxafada gudaha ayaa sidoo kale kusoo waramaysa iney jirto xabadda la isku weedarsaday goobta markii qaraxyada dhaceen, wallow ay wali arintaasi xaqiijin booliska.

Ma jirto ilaa hada cid sheegatey weerarka iney ka danbeeyen, balse dowladda Kenya ayaa weeraradan waxa ay ku eedaynaysay iney ku lug leehyihiin kooxo xiriir la leh Al Shabaab.

Tan iyo markii ay galeen ciidamada dalka Kenya gudaha Soomaaliya, waxa aad usoo kordhay weeraro loo adeegsanayo bom-ka gacanta laga tuuro oo intooda badan lala eeganayay meelaha kinisaddaha,.

Bishii July ee sanadkaan weeraro sidan oo kale ahaa oo lagu qaaday kinisado ku yaala Garissa ayaa waxa ku dhintey ilaa 14-qofood dad gaarayay halka ay ku dhaawcmayn dad kor u dhaafayay 66-qofood.

Si lamid ahna bishii September ayaa weerar lagu qaaday iskool ay leehdahay kinis kirishtiyan magalada Nairobi, Gaar ahaan xaafada Islii oo Soomaalida ay dagan tahay waxa ku dhintey hal cunug halka 3-dex kalane ay ku dhaawacmayn.

Kinisadaha ku yaala Gaarissa oo ku dhaw ilaa 15 waxa iminka ilaaliyo askar maalmaha fasaxa markaas oo dad badan ay tagaan.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: