Calendar

Qaraxa uu fuliyay ruux naftii hura oo barqadii ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo .

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa ku soo waramayaa in uu ahaa mid aad u xoogan kaasi oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

ruuxa is qarxiyay ayaa ujeedadiisu ahayd in uu isku qarxiyo goob ciidamada Nabad sugida ee dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen afaafka hore ee Madaxtooyada Magaaladaasi waxaana la sheegay in uu ka hortagay askari katirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku dhintay ismiidaamintaasi ruuxa is qarxiyay iyo  askari katirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Masuuliyadda qaraxaasi ayaa waxa sheegtay ururka Al-shabaab oo dhawaan magaaladaasi lagala waregay qeybo ka mid ah gobalada bay iyo bakool .

Waa markii ugu horaysay tan iyo markii magaalada baydhabo ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya uu ka dhaco qarax caynkan oo kale ah magaaladaasi baydhabo.

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: