Calendar

Qaraxa Miino oo haleelay gaari dagaal gudaha Muqdisho.

gaari_cabdi_bileBartamaha (Muqdisho):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa duhurnimadii maanta kla dhacay gudaha Magaalada Muqdisho kaasi oo qasaara uu ka soo gaaray Ciidamada Dowlada.

Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidanka Dowlada ayaa maanta qarax Miino lagula beegsaday Afaafka hore Ee Dugsigii 21-October Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara culus uu ka soo gaaray Ciidankii la qarxiyay.

Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa duhurnimadii maanta lala beegsaday gaari ay la socdeen Cidianka Dowlada agagaarka KM.4 gaar ahaan wadada hormarta 21-October waxaana goobta ku dhintay 4-askari halka 10-qof oo 6-ka mida ay shacab ahaanyeen dhaawac culus uu ka soo gaaray.

Dhaawacyada oo shacab u badnaa iyo dhimashada oo Ciidanka gaartay ayaa waxaa goobtaasi ka qaaday Ciidan kale oo u soo gurmaday askarta lala qarxiyay gaariga ay la socdeen oo isla goobtaasi ku gubtay.

Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay la socdeen Militariga Dowlada oo xiligaasi ka soo baxay dagaal xoog badan oo maanta maalintii sadexaad si toos ah uga socanayay agagaarka Villa Somalia.

inta badan Ciidanka Dowlada waxa ay ku la’daan qaraxyada Miinooyinka oo wada waliba loo galiyo taasi oo shacabka mararka qaar ay la qaraxdo taasi oo saamayn culus geysata.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: