Qarax xoogan oo Xalay lagu weeraray Saraakiil ka tirsan Xizbul Islaam Degmada Afgooye.
Bartamaha(Muqdisho):- Qarax bam ayaa xalay lagu weeraray saraakiil sare oo ka tirsan Xizbul Islaam Degmada Afgooye kaasi oo qasaara geystay.
Kooxo aan la garan ayaa xalay qarax bam ku weeraray saraakiil sare oo ka tirsan Xizbul Islaam Degmada AFgooye xilli ay marayeen Xaafada Xaawa Tako Degmadaasi.
Bamka ayaa waxa uu ku dhacay goob aan ka dheereen halka uu taagnaa gaari ay saraakiil saarnaayeen wallow aanu waxyeela badan ka soo gaarin Ciidamada la socday gaarigaasi.
Gaariga ayaa waxaa ku dhaawacmay 2-askari oo Xizbul Islaam ka tirsan kuwaasi oo ilaala u ahaa saraakiil can ka ah Xizbul Islaam oo qaraxa xalay lagu tuuray.
Xaalada ayaa saaka ah mid xasiloon iyadoo aanay jirin waxwar ah oo ay soo saareen Madaxda Maamulka Xizbul Islaam Afgooye oo xalay saraakiil ka tirsan ay ka badbaadeen falkaasi weerarka ahaa.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments