Qarax Xoogan oo galabta ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaal-Kacyo.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay goob aan ka dheereen hoyga Madaxweynaha Gal-Mudug Koonfurta Magalaadaasi.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan kaasi oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso oo aan cidna lala bartilmaameedsan balse argagax galiyay Ciidamada ammaanka Madaxweyne Caalin.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan xoogan oo ay ku samaynayaan dadka dagan hareeraha hoyga Madaxweyne Calin iyagoo weydiiyay dadkii qarxiyay Miinada.
Maanta ayaa waxaa magaaladsa dhankeeda woqooyi laga soo helay Miino dhulka lagu aasay taasi oo booliiska loo sheegay ka dibna ay ka soo saareen halkii lagu aasay.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu burburiyay dhismo ku dhawaa hoyga madaxweynaha Gal Mudug oo ah goobta Miinada lagu aasay wallow aanay jirin wax qasaara ah oo ay sababtay inta la ogyahay
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments