Qarax Xalay lala beegsaday Goob lagu Xusayay 26-Jun gudaha Muqdisho.
Bartamaha (Mudqisho) Qarax Xoogan ayaa Xalal lala beegsaday Xarunta Gobolka Banaadir oo ay ka socanaysay Munaasabada Xuska 26-Jun maalinta Xuriyada Gobolada Woqooyiga Somalia.
Qaraxa oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa Xalay lala beegsaday Xarunta Gobolka Banaadir oo ay ka dhacaysay Xuska maalinta Xuriyada Gobolada Woqooyiga Somalila.
Qaraxa oo Bam ahaa ayaa haleelay Ciidan ilaalinayay Xarunta Gobolka Banaadir oo ay munaasabada ka socanaysay waxaana jiray qasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray Ciidamada.
Mid ka mida askarta ilaalada Xaflada ayaa dhintay 2-kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray qaraxaasi oo Ciidanka Dowlada oo kaliya qasaaraha u geystay waxaana Xarunta Xaflada ay ka socanaysay ay noqotay mid argagax leh.
Munaasabada ayaa ugu danbayntii noqotay mid socotay oo si daganaan ah lagu soo gabgabeeyay markii Calanka Soomaaliya la saaray ka dib sida ay xaqiijiyeen goob joogayaasha Munaasabada.
Saraakiisha ammaanka oo saxaafada kula hadlay xarunta Xaflada ay ka dhacaysay ayaa waxa ay sheegeen in la soo qabtay mid ka mida dhalinyarada Bamka ku soo tuurtay Xarunta Gobolka Banaadir oo xalay lagu dhigayay munaasabada Xuska Sanad guurada 50-aad ee Xuska maalinta Xuriyada Gobolada Woqooyi Ee Soomaalia.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments