Calendar

Qarax Xalay lala beegsaday Booliiska Puntaland Ee Magaalada Boosaaso.

boosBartamaha(Boosaaso):-Kooxo aan la garan ayaa xalay qarax Bam ku weeraray Ciidamada Booliiska Puntland xilli ay howlgalo ka wadeen gudaha Xaafadaha Boosaaso.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bamka nuuca gacanta kaasi oo lala beegsaday Ciidamada ammaanka xilli ay ku sugnaayeen gudaha Xaafadaha Boosaaso.

Qaraxa dhawaqiisa ayaa laga maqlay magaalada Boosaaso iyadoo Cidiamada ay fureen rasaas u muuqatay mid ay isaga difaacayeen Kooxda qaraxa ku soo tuurtay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in laga qaaday dad dhaawac ah oo ay Ciidamo Booliiska Boosaaso ay ku jiraan kwuaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka Magaalada.

Howlgalo ayay Ciidamad ka sameeyeen Magaalada Boosaaso xiliga qaraxa lala beegsaday ka dib wallow illaa haatan aan cina loo qaban masuuliyada qaraxaasi.

Dhawaanahaan Kooxo aan la garan ujeedada ay leeyihiin ayaa waxa ay wadeen falal ammaanka wax u dhimaya oo ay inta badan ka sameynayeen Magaalooyinka Dowlada Goboleedka Puntaland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: