Qarax Xalay lagu Weeraray Ciidamada Dowlada gudaha Degmada Dharkenley Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo aan la garan ayaa Xalay bambaano ku tuurtay Ciidamo Dowlada ka tirsan xilli ay ku suganaayeen Gudaha Degmada Dharkenley Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada taasi oo sababtay qasaara gaaray Ciidamada Dowlada KMG ah oo bamka uu ku dhexqarxay.
Illaa 4-Askari ayaa dhaawac culus uu soo qaaray qaraxa Xalay lagu tuuray Ciidamada Dowlada kuwaasi oo rasaas culus furay xiliga la qarxiyay ka dib taasi oo qalqal galisay ammaanka guud Ee Degmada.
Ciidamada Dowlada ayaa u qabtay qaraxaasi laba dhalinyara ah oo xilli habeen ah Xalay lagu qabtay gudaha Degmada Dharkenley iyadoo illaa haatan ay ku daba jiraan Kooxo kale oo looga shakiyay abaabulka qaraxyada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments