Qarax Xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada Ee Dagan Villa Baydhabo Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Qarax Bambaano ayaa Xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada ee dagan dhismaha Villa Baydhabo halkaasi oo ay ku xaraysanyihiin Odayaasha Militariga ah.
Kooxo aan la garan ayaa Xalay Bam gacmeed ku weerartay Ciidanka Dowlada ee dagan dhismaha Villa Baydhabo Deegaanka Buula Xuubey Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bamka gacanta laga gano kaasi oo ku dhacay albaabka hore ee Xaruntaasi Villa Baydhabo halkaasi oo ilaala ay ka hayeen Askarta Militariga ah.
Askarta la qarxiyay waxa ay yihiin Ciidamada Militariga gaar ahaan Odayaasha da’da ah ee Ciidamada ah kuwaasi oo in mudda ah dagan dhismahaasi Villa Baydhabo.
Ma jiro wax qasaara ah oo qaraxaasi dhaliyay waxanaa rasaas xoogan furay qaraxa ka dib Ciidanka Dowlada ee Dagan dhismahaasi Villa Baydhabo oo difaaca adkeeyay.
Ma aha qaraxii ugu horeeyay ee lagu weeraro Ciidamada dagan dhismahasi Villa Baydhabo iyadoo dhowr jeeroo hore la dilay kooxo qaraxyo ku weerarayay Xaruntaasi.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments