Calendar

Qarax xalay ka dhacay Xaafada Garsoor Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

woqoyiga gal-kacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa xalay waxa ay ka dhacday Xaafada Garsoor ee dhacda dhanka Woqooyi Ee Magaalada Gaal-kacyo.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid Miina ah sida ay xaqiiiyeen dadka Deegaankaasi iyadoo aan la ogayn ciidamada lala beegsaday qasaaraha gaaray wallow ammaanka uu xiligaasi ahaa mid aad loo adkaynayay.

Magaalada ayaa waxaa si weyn ugu daadsanaa Ciidamada Booliiska Puntland oo la socanayay dhaqdhaqaaqa dadka xiliga fiidnimadii ah si ay u baacsadaan kooxaha ma naxayaasha qaraxyada ka geysta Deegaanadaasi.

Qaraxa xalay dhacay ayaa waxaa la ogaaday in Haweenay uu dhaawac ka soo gaaray iyadoo goobtaasi ay yimaadeen Ciidamada ammaanka Puntland oo baaritaano sameeyay.

Taliska Booliiska Magaalada Gaal-Kacyo ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaano wadaan islamarkaana ay beegsan doonaan koxaha falalka qaraxyada ah ka geysanaya Magaalada Gaal-Kacyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: