Qarax Xalay Boosaaso ka dhacay iyo Qasaara gaaray Ciidanka.
Bartamaha(Boosaaso):-Qarax Xoogan oo Xalay lala beegsaday Ciidanka Ammaanka ayaa sababay qasaara dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa oo ahaa mid Miino ah ayaa Xalay lala beegsaday Ciidanka Ammaanka Magaalada Boosaso xilli ay howlgalo baaritaana ah ka samaynayeen Xaafad ka mida Magaalada Boosaaso.
Qaraxa ayaa sabab ka dhigay dhimashada Askari Booliiska magaalada ka mid ahaa iyo dhaawaca qaar kale oo lola cararay Isbitaalka Bandar Qaasim oo dhaca Magaalada Boosaaso.
Saraakiisha ammaanka magaalada Boosaaso oo gaaray halkaasi ayaa bilaabay howlgalo ay ku daba galayaan Kooxaha ka danbeyay qaraxa Xalay lala beegsaday Ciidanka Ammaanka.
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Gen.Cismaan Xasan oo gaaray goobta falka ka dhacay ayaa wacad ku maray in la soo qaban doono Kooxaha masuulkaa ka ahaa qaraxa Xalay gilgilay Boosaaso.
Howlgalo ammaanka lagu adkaynayo ayaa saaka ka socanayay Magaalada Boosaaso oo ay weli ku dhuumanayaan Kooxaha Xalay qasaaraha u geystay Ciidanka Ammaanka Magaaladaasi oo qarax ay la beegsadeen.
Dhawaanahan waxaa sii yaraanayay Kooxaha ammaan darada gaysanaya wallow ay marar badan qaraxyo la beegsadeen Ciidanka guud ee Ammaanka iyo Saraakiil sare oo ka mid ah maamulka Dowlada Goboleedka Puntland.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments