Qarax qasaara sababay oo xalay lagu weeraray guriga Duqii hore Ee Magaalada Balad-weyne
Bartamaha (B/Weyne):-Kooxo aan la aqoonsan ayaa xalay weerar bam gacmeed ah waxa ay ku qaadeen hoyga uu magaalada Baladweyne ka daganyahay duqii hore Ee Magaaladaasi.
Bamka nuuca gacanta lagu tuuray ayaa xalay lagu qeeraray guriga uu B/Weyne ka daganyahay Aadan Garaaso oo ahaa duqii hore Ee Balad-weyne.
Qaraxa ayaa inta la ogyahay waxa uu sababaay dhawaaca 5-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ee ilaalada u ahayd masuulkaasi.
Xiliga qaraxa uu dhacay ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Ciidamada Dowlada kuwaasi oo rasaas culus furay islamarkaana bandow ka dhigay goobta falka weerarka ah uu ka dhacay.
Dhaawacyada askrata qaarkood ayaa ah miud culus ka dib markii bamka uu ku dhacay goob ay ku dhaahayeen bartamaha guriga masuulkaasi.
Waraxn ayaa waxa uu qeyb ka yahay falal ammaandaro oo maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay Balad-weyne ka dib markii ay soo gaareen Ciidamada Dowlada Soomaaliya .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments