Calendar

Qarax qasaara sababay oo xalay ka dhacay Magaalada Laas-Caanood.

qaraxBartamaha(Laas-Caanood):-Qarax xoogan ayaa xalay laga maqlay magaalada Laas-Caanood kaasi oo qasaara u geystay Ciidamada Somaliland.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamadsa Soomaaliland meel ay daganyihiin halkaasi oo qasaara ay ka soo gaartay askartaasi.

Ilaa 2-askari ayaa goobtaasi ku dhimatay iyadoo qaar kale dhaawac uu ka soo gaaray sida ay sheegeen dadka dagan magaalada Laas-Caanood.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland iyadoo Ciidamada ammaanka ay bilaaben howlgalo dhanka ammaanka ah si loo baacsado kooxihii qaraxaasi fuliyay.

Bil ka hor ayay ahayd markii Sarakiil lagu layaayay qarax miino oo lagula eegtay duleedka Laas-Caanood iyadoo qaraxaasi dad badan loo qabqabtay .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: