Calendar

Qarax qasaara sababay oo Saaka lala beegsaday Ciidanka Dowlada.

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Qarax xoogan oo qasaara badan sababay ayaa Saaka ka dhacay wadada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamada Maamulka Degmada Dharkenley oo la qarxiyay xilli ay marayeen agagaarka Wadada Afisyooni Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa saaka dhacay ku dhintay in ka badan 7-askari waxaana dhaawac soo gaaray 8-kale oo dhammaan ahaa askar saarnayd gaari nuuca dagaalka ah.

Qasaaraha intan la eg ayaa waxa uu yimid xilli ay gaariga dagaalka si aad ah isaga soo buuxiyeen Ciidanka Dowlada waxaana lala eegtay Miino ku aasanayd wadada hareerteeda.

Xaafada Afisyooni ayaa waxaa marar badan lagu qarxiyay Ciidanka Dowlada oo inta badan qasaara uu ka soo gaaro askarta iyo dad shacab ah intaba.

 

 

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: