Qarax Miino oo Xalay ka dhacay Magaalada Balad-Weyne iyo raggii dhigayay oo ku dhintay.
Bartyamaha(Balad-Weyne):-Qarax Miino qasaara gaystay ayaa Xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada Balad-Weyne kaasi oo ay ku dhinteen Laba nin oo dhigaysay qaraxaasi.
Wararka naga soo gaaray B/Weyne ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax dilay raggii dhigayay uu Xalay ka dhacay Bartamaha Xarunta Maamulka Hiiraan Balad-Weyne halkaasi oo ay isaga bexeen Ciidamada .
Hilbaha Laba ruux oo qaraxa uu dilay ayaa waxa saaka lagu arkay albaabka Xarunta Maamulka halkaasi oo ay dhigayeen Miino nuuca rumuudka ah taasi oo la kacday Labadaasi ruux.
Dadka Magaalada ayaa waxa ay yimaadeen goobta Miinada ay ka kacday iyagoo daawasho ugu yimid Hilbaha laba dhalinyara ah oo Xalay Miina ay gacantooda ku dhigayeen ay ku qaraxday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments