Qarax miino oo qasaara sababay ayaa maanta lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya Xaafada Nasteex Ee Degmada Wadajir .
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay qasaara ka soo gaartay miino maanta loo dhigay Xaafada Nasteexo Ee Degmada Wadajir.
Qarax miina dhulka la galiyay ay dhalisay dhimashada 2-askari oyo dhaawaca 3-kale oo Ciidamada dowlada Fd ka wada tirsana kuwaasi oo ay la kacday miino loo dhigay Wadad hareerteeda Xaafada Nasteexa.
Ciidamada Dowlada ayaa rasaas culus waxa ay fureen ka dib qaraxa dhacay taasi oo sababtay dhaawaca 2-ruux oo ay ku jirtay gabar ardayad ahayd iyadoo xaalada ay noqotay mid kala carar ah goobtana aanay ku harin wax Ciidanka ka baxsan.
Qaraxan maanta Ciidamada dowlada haleelay ayaa waxa uu qeyb ka yahay weeraro maalmihii la soo dhaafay joogta ka noqday deegaankaasi iyo degmada la jaarka ah Ee dharkenley halkaasi oo ay gaareen barakacayaashii ugu badnaa abid.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments