Qarax Miino oo lala beegsaday Saddex gaari oo Bl- ah gudaha Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa haleelay galabta Saddex gaaro oo ay saarnaayeen dad shacab ah wadada Warshadaha Ee Magaalada Muqdisho.
Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa la kacay illaa saddex gaaro oo nuuca Bl-ka ah oo ay saarnaayeen dad ka sii rawaxayay gudaha Muqdisho galinkii danbe ee maanta waxaana halkaasi ku dhintay shacab badan dhaawacyo kalana laga qaaday goobta.
Miinada ayaa waxa ay qaraxday xilli shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka ay dib u dayactir ka wadeen Jidka Warshadaha oo Miinooyin badan ay horay uga qarxeen waxaana Miino lala qarxay 3-gaari oo is garab socotay wadadaasi Warshadaha.
Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku dhintay 10-ruux in ka badan 25-qof oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray markii Miinada lagu qarxiyay sida la aaminsanyahay gawaaridaasi oo xawaare ku socanayay Jidka Miinada loo yaqaano oo ku dhow Kuliyada Jaale Siyaad.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii Ciidanka Amisom qarax Miino lagula beegsaday wadadaasi Warshadaha waxaana maanta qaraxan qasaaraha shacabka sababay uu noqonayaa mid ka mida Miinooyin horay dad shacab ah loola beegsaday.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay noqotay mid inta badan shacabka ay isaga la’anayaan xisaab la’aan iyadoo qaar ka mida rayidka Hoobiyayaal ay ku dhamaadaan halka kuwa kalana ay ku la’anayaan Dagaalada ka socanaya Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments