Qarax Miino oo lala beegsaday dad reer guuraa ah.
Bartamaha (Guri-Ceel):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa saacada ka hor lala beegsaday gaari ay la socdeen dad ka baxay Guri Ceel oo ku jeeday tuulo hoos tagta Deegaankaasi.
Dadka Guri Ceel ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid Miino dhulka lagu aasay ah kaasi oo haleelay gaari ay la socdeen dad reer guuraa ah oo ku jeeday Deegaan duleedka uga beegay Guri ceel.
Miinada ayaa waxa ay la kacday gaariga waxaana ku dhintay qaraxa 3-qof oo isku qoys ah halka 1-qof oo kale uu dhaawaca soo gaaray markii qaraxa uu ku haleelay dadkaasi deegaanka Ilguule oo duleedka uga aadan Guri Ceel.
Gudoomiyaha Maamulka Guri-Ceel Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed ayaa saxaafada u sheegay in qaraxa ay baaritaan ku wadaan balse laga yaabo in ay dhibeen Kooxaha cadowga ku ah dadka shacabka ah.
Masuulkan ayaa waxa uu muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin qaraxaasi ka dhacay Deegaanka hoos yimaada Guri Ceel waxaana goobta qarax uu ka dhacay gaaray Ciidanka Ammaanka Ahlu sunnah oo ku raad jooga dadka laga shakisanyahay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments