Qarax lala beegsaday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya
Qaraxan oo la sheegay inay ku waxyoolloobeen qaar kamid ilaaladii xildhibaanada iyo dad rayid ah oo goobtaas ka agdhawaa ayaa ka dhacay xaafada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.
Waxaana wararku ay sheegayaan inay ka badbaadeen weerarka labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kuwaasoo la socday gaariga qarxay.
Qaraxa ayaa waxaa uu dhacay xilli xildhibaanadu ay baabuurka ka dagteen taasoo sababtay inay ka badbaadeen weerarka.
Alshabaab ayaa horay u sheegatay weerar ka dhacay kasoo horjeedka aqalka baarlamaanka, gaar ahaana daarada masaajidka isbahaysiga sannadkii hore, taasoo hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay.
Inkastoo ammaanka Muqdisho aad loo adkeeyay maalmihii lasoo dhaafay ayay haddana muuqataa inay jiraan dulduleelo keeni kara inay Alshabaab weeraro qaadaan.
Comments
comments