Calendar

Qarax lala beegsaday goob lagu daawanayay Ciyaaraha Adduunka.

baBartamaha  (Ceelasha Biyaha):- Laba qarax ayaa xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaasi oo ay maamusho Kooxda Xizbul Islaam.

Labada qarax ayaa mid ka mida lala beegsaday saldhiga Ceelasha Biyaha halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray maleeshiyaad ka tirsan Xizbul Islaam.

Rasaas culus ayaa xiligaasi laga maqlay Ceelasha Biyaha waxaana muddo yar ka dib bilawday howlgal ay samaynayaan Ciidanka Xizbul Islaam.

Wax yar ka dib qaraxa lala beegsaday saldhiga ayaa waxaa qarax kale uu ka dhacay guri ay dhalinyaro ku daawanayeen Ciyaartii Xalay Spaine iyo Germany.

Taageeradii ciyaarta ayaa isku badashay sawaxan iyo daad guraynta dhaawacyadii gaaray dhalinyarada waxaana halkaasi ku dhintay 1-qof iyadoo dhaawac uu soo gaaray 5-kale.

Inta badan Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxa ay beegsadaan dhalinyarada daawanaysa Ciyaraha Adduunaka waxaana dhawaan Afgooye lagu dhaawacay 16-dhalinyara ah markii la rasaaseeyay guri ay ku daawanayeen ciyaaraha Adduunka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: