Qarax lala beegsaday gaari ay leedahay dawlada Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho
Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax lagu xiray gaari ay lahayd wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka dhacay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.
Qofka dhintay ayaa ku jiray gaariga markii uu qaraxu dhacayay, dadka dhaawacmayna waxaa ay marayeen wadada uu qaraxu ka dhacay.
Ilaa iyo hadda majirto cid loo xiray weerarkan oo ah kii labaad oo lagu qarxiyo gaari, iyadoo kii horreeyayna degmada Xamarweyne lagu qarxiyay gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.