Qarax lala beegsaday Ciidanka Dowlada gudaha Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala beegsaday Ciidanka Dowlada gudaha Degmada Waabari Ee Muqdisho.
Qaraxa oo sababay qasaara soo gaaray Ciidanka Dowlada ee lala beegsaday Miinada Dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Dugsigii Sare Ee 21-October oo dhawaanahan noqday goobta ugu badan ee qaraxyada la dhigo.
Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay deegaano badan ayaa waxaa lala beegsaday gaari nuuca dagaalka ah oo uu la socday Sargaal sare oo ka mida Militariga Dowlada iyadoo qaraxaasi qasaara badan uu sababay.
Inta la ogyahay waxaa geeriyooday 2-askari 5-kale oo sargaal uu ku jirana dhaawac ayaa ka soo qaaray qaraxa barqanimadii maanta lala beegsaday gaari nuuca dagaalka ah oo Ciidankaasi ay saarnaayeen.
Dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo haatan lagu dawaynayo askartii dhaawacyada uu ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday xilli ay marayeen Degmada cWaabari.
Rasaas xoogan oo ay fureen Cidianka la qarxiyay ayaa sababtay in isku socodka dadka iyo gaadiidka ay hakad galaan waxaana jiray dad ay Ciidanka goobta soo gaaray ay qaraxaasi u qabteen.
Wadada hormarta Dugsiga 21-Ocotober ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu qarxiyo Ciidanka Dowlada waxaana marar badan saamaynta qaraxyaasi ay gaareen Dhor School oo ku yaala Wadadaasi Miinooyinka la dhigo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments