Qarax dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Ganacsato Soomaali iyo Ajnabi oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha uu qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray dad ay ku jireen Ajaaniib, xilli ay ka dukaamneysanayeen suuqa.
Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Sarif yaraha suuqa bakaaraha ayaa la sheegayaa in labo ruux ay ku dhinteen afar kalena ku dhaawacmeen.
Warar qaar ayaa sheegaya sheegaya in qaraxa dadka ay waxyeelada ka soo gaaray ay ku jireen Ganacsato u dhashay dalka Yemen, iyadoo aan kala cadeyn in bartilmaameedka weerarka inuu iyaga ahaa iyo in kale.
Ganacsatada Yemen u dhalatay ayaa la sheegay inay la socdeen ganacsato Soomaali ahaa oo qaraxa iyana ka soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Dad Goob joogayaal ayaa sheegay in mar kaliya ay qarax ka war heleen, dabadeedna ay rasaas xigtay, waxaana dad dukaameysanayay ay ahaayeen dad cadaan ah.
Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa soo gaaray goobta, iyagoo halkaas ka sameeyay howl galo, sidoo kale waxaa la qaaday dhaawacyada ragii ajnabiga ahaa iyo dadkii kale.
Suuqa Bakaaraha ayaa indhawaalaba waxaa ku soo badanayay qaraxyada bambooyinka gacanta laga tuuro iyo dadka lagu toogto gudaha suuqa oo u badnaa ciidamo.
Comments
comments