Calendar

Qarax bambaano oo xalay ka dhacay mid ka mid ah xeryaha qaxootiga dalka Kenya

Qarax bambaano oo sababay dhaawacyada ilaa shan ruux ayaa xalay fiidkii ka dhacay xerada qaxootiga Dhagaxleey, markii kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen goob uu ka socday dhiso Iskuul.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah shanta ruux ee ku dhaawacmay weerarka uu dhaawiciisa yahay mid halis ah, sida uu sheegay Gudoomiyaha xerada qaxootiga.

Kooxaha weerarka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo markii dambe ay soo gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo howl galo baaritaan ka sameeyay.

Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa qof shacab ah ku dilay xerada IFO, iyadoo kooxihii ka dambeeyay goobta ka baxsadeen.

Weerarada ka dhaca xeryah qaxootiga ee dalka Kenya ayaa soo kordhayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, iyadoo horay weeraro loogu geystay shaqaale sama fal uu ka dhacay xeryaha qaxootiga.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay soo wadeyso weerarada ay ka geysanayso gudaha Kenya, hadii aanay ciidamadeeda la bixin, waxaana todobaadkii hore ay sheegatay weerar ay ku dhinteen in ka badan lixdan ruux oo lagu qaaday Rugta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: