Qarax Bambaano oo caawa lala eegtay Ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Nasii-Buundo Deg/Shibis Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuura ah ayaa caawa Fiidkii hore waxaa lala eegtay ciidamada Maxkamada Dowlada raacsan oo ilaala ka ahaa hoyga Xildhibaan dowlada ka tirsan kaasi oo ku yaala wadada Nasii-Buundo Ee Degamada Shibis.
Bamka ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa midka Gacanta laga tuuro ama (F1)ta loo yaqaano taasi oo si toos ah loola eegtay goob ay wada fadhiyeen koox ciidamadaasi ka mid ahayd kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo baqooleen fiidkii hore Ee Caawa Jiida dagaalka ka dibna ay ammaanka Xildhibaanada Maxkamadaha ka soo galay dowlada ay caawa Sugayeen.
Illaa 3-ka mida ciidamadaasi ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ay waxyeela dhaawacyo kala gadisan ah ka soo gaartay ka dibna loola cararay goobaha caafimaadka xilli mid ka mida saddexdaasi askari ay xaaladiisa ay ahayd mid aad u liidata.
Ciidamada ayaa qaraxa ka dib waxa ay fureen rasaas muddo socatay taasi oo aan la garan cidda ay sida tooska ah ugu furayeen wallow aanay rasaastaasi wax waxyeela ah sababin balse ay qalqal galisay dadka degmada Shibsi oo maanta marka ay ku soo dul baqdeen ciidamada dowlada Fd soomaliya.
Xaalada Degamada Shibis ayaa kacsan iyadoo gabi ahaanba la xeray dhaqdhaqaaqa Ganacsiga wadada Laamiga ah Ee Nasii-Buundo halkaasi oo caawa bam gacmeed lagu weeraray ciidamada dowlada Fd soomaaliya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments