Calendar

Qaran Express Suuq Bacaad oo Koox wejiyada soo xeratay ay Maanta dheceen.

qaran_expressBartamaha(Muqdisho):-Kooxo hubaysan oo qaab qorsheysan isku diyaariyay ayaa maanta waxa ay dhac balaaran u geysteen Shirkada Xawaalada Qaran Express laanteeda Suuq Bacaad.

Illaa 5-nin ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen Xarunta Qaran Express Suuq Bacaad iyadoo 5-kale ay xereen wadooyinka Xawaaladaasi.

Sida qof goob joog ahaa u sheegay www.Bartamaha.Com ragga hubaysan ayaa waxa ay dhaaceen Gacamaey oo ilaala ka ahaa Xawaalada iyadoo ay gudaha u galeen Xarunta.

Xiliga raggaasi ay galeen Xawaaladaasi ayaa waxa la sheegay in ay wada fariisiyeen dhammaan dadkii Macaamiisha ahaa oo ay indhaha ka xereen.

Muddo Daqiiqada ah ayay ku qaateen lacag dhan 100,000  (boqol kun oo doolar) iyadoo ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen oo ahaa Ronerdka nuuca ay soomalida u taqaano.

Lama oga halka ay qabteen raggaasi dhaca geystay iyadoo daqiiqado ka dib ay goobtaasi yimaadeen Ciidamada deegaankaasi ganacta ku haya oo baaritaan ku dhaqaaqay.

Bilowgii bishii la soo dhaafay ayaa Kooxo hubaysan waxa ay dheceen Xarunta Shirkadaasi Qaran ay ku lahayd Juungale iyadoo maalma ka dibna la dhacay Xarunta Shirkada Dahabshiil Bakaaraha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: