Calendar

Qaramaha Midoobay oo Puntland kala shiray arimaha Hawada Somalia

BARTAMAHA – Wafdi ka socda QM gaar ahaan kooxda qaabilsan dhanka hawadda oo la yiraahdo ICOA ayaa maanta magalada Bosaso kula shiray madaxwaynaha Puntland iyo qaar ka mid ah gollaha xukumada.

Labada dhinac ayaa ka wada tashanayay qodobo ay ka mid yihiin sida ugu wanagsan oo mamulka hawadda Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa gudaha Soomaaliya maadama mudo badan laga mamulayay magalada Nayroobi.

Shirka ayaa ka dhacay hoolka shirarka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso,waxana goob joog dhanka dowladda ka ahaa madaxwayne Gaas,wasiiirka Duulista hawadda iyo Agaasimaha guud ee garoomada dhanka QM waxaa ka socday dhowr saraakiil oo xog aruurin samaynayay.

Macnaha ugu wayn ee wafdigan ay Puntland u yimaadeen ayaa ah sidii mamulka Puntland loogala tashan lahaa sida ugu wanagsan ee hawadda Soomaaliya loogu soo warejin karo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Duulista hawadda iyo garoomadda Puntand Xasan Cadde oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kooxdan QM ka socota ee kala tashana hawadda Soomaaliya.

‘’Waxaan isla soo qaadnay sdii lagu heli lahaa Qorshe Midaysan oo la isku waafaqsan yahay oo lagu Maamulo Hawada Soomaaliya iyo sidii loo soo wareejin lahaa xaruntii hore ee Nairobi,gudaha dalkana loogu soo wareejin lahaa,Qorshahaa ayuu noqonayaa sidii la isula waafaqi lahaa’’

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: