Calendar

Qaramada Midoobe oo walaac ka muujiyay xaalada Xagga nolosha Ee Barakacayaasha Soomaalida.

Logo_FAOBartamaha (Nairobi) Hay’ada Qaramada Midoobe u qaabilsan xagga Beeraha Ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan FAO ayaa shaaca ka qaaday in xaalad cuna yari ay soo wajahday barakacayaasha Soomaaliyeed Ee Dalka.

Hay’ada FAO ayaa waxa ay sheegtay in cuna yari baahsan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan gobolada Soomaaliya gaar ahaan kuwa isaga barakacay deegaanada dagaalada ay ka jiraan.

Hay’ada ayaa sheegtay in dad ka badan 2-Milyan oo soomaali ah ay xiligan gaajo ku hayso gudaha Dalka Soomaaliya kuwaasi oo badankood ah Barakacayaal .

Darasad ay hay’ada FAO ka samaysay Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xadiga dadka u baahan gargaarka ay sii badanayaan islamarkaana ay muhiim tahay in loo helo kaalmo xagga raashinka ah.

Hadalkan ka soo baxay hay’ada Beeralaha iyo cunada ugu qaabilsan Qaramada Midoobe ayaa ku soo aadaysa xilli hay’ada WFP ay joojisay deeqdii raashinka ay siin jirtay dadka abaaraha ay haleeleen iyo Barakacayaasha intaba.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: