Qaramada Midoobe oo baaq u jeedisay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya.
Bartamaha (Nairobi)Â Qaramada Midoobe ayaa ka digtay Xaalada dagaalada dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya Soomaaliya nabada in ay qaataan.
Axmadu Walad Cabdalla Wakiilka gaarka ah Xog-hayaha guud Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheyso dhibaatada Dalka soomaaliya ka taagan isagoo ugu baaqay soomaalida in ay dagaalada joojiyaan.
Wakiilka gaarka ah Xog-hayaha guud Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xoogaga Mucaaradka in ay joojiyaan dagaalada ay dowlada kula jiraan maadaama uu sheegay dhankooda ay xiligan weerarada wadaan.
Walad Cabdala ayaa sheegay in ay warqad cabasho iyo codsi ah ay u soo direen Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee dibada oo uu tilmaamay in ay dani ugu jirto nabad ka dhacda Dalkooda.
Masulkaasi ayaa ugu danbayntii waxa uu ku baaqay nabad laga doorto dagaalada Bisha Cibaadada ka socanaya dalka soomaaliya isagoo ka codsaday dhinacyada iska soo horjeeda in shacabka ay u turaan dagaaladana ay joojiyaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments