Qaramada Midoobay oo ka hadashaey Macaluul Laga cabsi qabo inay soo foodsaarto Somaaliya
BARTAMAHA – Madaxa QM u qaabilsan Arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya Filib Nasaraani oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay xaunta QM ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay Xaalada Bini’aadantinimo ee Soomaaliya .
Filib Nasaraani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Xaalad Macaluul ah islamarkaana la mid ah midii Soomaaliya ka dhacday Sanadkii 2011-kii.
Madaxa QM u qaabilsan Arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalbadeen Lacag Malaayiin ah si wax loogu qabto Macaluusha ka jirta Soomaaliya islamarkaana aysan wali helin,taas oo uu ku tilmaamay mid Nasiib daro ah.
Waxaa sidoo kale uu sheegay Filib Nasaraani in Cudurka dabeysha uu ka jiro Soomaaliya,oo Qeybo ka mid ah Gobolka Mudug laga soo sheegayo Kiisas ah Cudurka Dabashe,waxaase uu intaa ku daray in wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ay Shaacisay in Soomaaliya laga Ciribtiray Cudurka dabeysha.
Comments
comments