Calendar

Qaramada Midoobay iyo AMISOM oo si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday madaxweynaha Jubbooyinka

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin la doonayay in lagu qaarijiyo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo shalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Nicholas Kay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan iyo ilaalada Axmed Madoobe, isagoo tilmaamay in Axmed Madoobe uu muhiim u yahay dadaalka lagu baadi goobayo nabad iyo dib u heshiisiin ka dhacda Soomaaliya.

Mr Kay ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii eheladooda ku waayeen qaraxa, waxaana uu caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Sallah Annadif ayaa dhankiisa cambaareeyay qaraxaas, isagoo ku eedeeyay kooxo Argagixiso ah inay doonayaan in dalka dib ugu celiyaan maalmihii mugdiga ahaa.

Mr Annadif ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in mar walba ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyed, ayna sii wadayaan dadaalka nabad raadinta Soomaaliya.

Weerarkii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo isugu jiray ilaalada Axmed Madoobe iyo dad rayid ah, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay ee ismiidaamin ka dhaca Kismaayo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: