Qarama Midoobay oo ka digtay macaluul ka dhalata Soomaaliya
BARTAMAHA – Madaxa ugu sareeya dhanka arimaha bini aadaminada qaramada midoobay valeria amos ayaa dalbatay lacag dhan $60 million sadaxda bilood ee soo-socota si looga hortago cuna yarida kajirta Somalia.
Ayadoo kahor hadleesay golaha amaanka ee qaramada midoobay Valeria amos ayaa walwal kamuujisay dhibaatada dhanka cunada ah ee kajirta Somalia .
Qiyaas ahaan 857,000 oo dad Somali ah ayaa ubaahan caawinaad lasiiyo waxaana jirta in 2-million oo ruux ay iyaguna xaalad dhexe kunoolyihiin wallow gargaar ay baahanyihiin.
Xafiiska isku xirka arimaha gargaarka ee qaramada midoobay ee OCHA ayaa kuwaramay in 19% qaramada midoobay ay heshay lacag dhan 933 million oo balanqaaday.
Qaar kamid ah deeq bixiyaasha ayaa kudhawaaqay dhawaan iney yareyn doonaan taageerada ay siiyaan hay’adaha qaramada midoobay sanadan 2014 ,balse qaramada midoobay ayaa muujineesa iney xaaladu isbadali doonto saanada 2015.
Valerie amos ayaa sheegay in wali Somalia ay kamuuqato abaartii kudhufatay sanadkii 2011 taa oo saameyn kuyeelatay tiro qoysas Somali ah.
Totobaadkan gudihiisa hay’ada qaramada midoobay uqaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa dalbatay in lasiiyo lacag gaareesa $180 million si ay wax uga qabato xaalada Somalia.
Comments
comments