Qabuuro ku yaalay Dhoobley oo la qoday lafihiina laga saaray.
Bartamaha(Dhoobley) Ciidamada Alshabaab ayaa sameeyay howlgal qabuura burburin ah gudaha Dhoobley halkaasi oo lagfa saaray Lafaha wadaado Caan ah.
Wadaado aad ay u qadirin jireen dadka reer Dhoobley ayaa lafahooda shalay laga soo qoday qabriyada ay ku aasnaayeen gudaha Degmada Dhoobley Ee Gobolka Jubada Hoose.
Kooxda qaabilsan qodida qabuuraha ama suulinta Shirkiyaadka ayaa waxa ay tageen shalay Dhoobley iyagoo dhammaan burburiyay qabuuro dhisan oo wadaado ay ku aasnaayeen.
Qabriyada qaar ayaa waxa ay ka bixiyeen Lafaha wadadaada iyagoo sheegay in ay ku aasayaan meelo kale oo ka mida dhulka si aan loo Caabudin sida uu sheegay sargaal ka mida ALshabaab Dhoobley.
Qabuuraha la qoday waxaa ka mid ah Qabriga Sheekh Xasan Ooyow oo deegaanka aad looga qadarin jiray iyadoo lafihiisa wixii ka harsanaa la qaaday si meelo kale loogu aaso.
Qabuuro badan oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya ayaa Alshabaab ay horay u qodeen waxaana laga yaabaa in ay weli jiraan qabuuro ay doonay6aan in ay soo faagaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments