Calendar

Puntland oo sii daysay badmaaxiin u xirnaa oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Kalluumaysato Sharci darro ah

Iiaaniyiinta_lasii_daayaySarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu sii daayay toddobaadkan 78-badmaaxe oo u dhashay dalkeeda, kuwaasoo maamulkan uu horay ugu xukumay xabsiyo kala duwan.  Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Xasan Qashqaafi ayaa sheegay in sii daynta badmaaxiintan ay ku timid kulammo dhexmaray wasaaradda arrimaha dibadda iyo saraakiil Soomaali ah.

Badmaaxiintan ayaa waxay maxkamadda Boosaaso ku xukuntay xabsiyo kala duwan bishii May ee sannadkan, kaddib markii ay ciidamada Puntland soo qabteen.  Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Iiraaniyiintan inay xaalufin ku hayeen xeebaha Soomaaliya ayna wateen shan doomood, waxaana sidoo kale lala xukumay 12-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay caawinayeen badmaaxiitan.

Xasan Qashqaafi ayaa sheegay in badmaaxiintan u dhashay dalka Iiraan ay ku labteen Talaadadii toddobaadkan, sidoo kalena doomihii ay wateen dib loogu celiyay Iiraan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: