Puntland oo mamnuucday Waraysiga Mucaaradka.
Bartamaha (Garoowe):- Dowlada Puntland ayaa maanta Mmnuucday waraysi lala yeesho Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowlada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta ee Maamul goboleedka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed oo maanta saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuc tahay waraysi lala yeesho Kooxaha Mucaaradka ku ah Puntland.
Wasiirka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu ku soo qoray qoraal loogag mamnuucayo dhammaan warbaahinta waraysiga Kooxaha Mucaaradka ha sida Sheekh Atam iyo Kooxo kale oo deegaanada Puntland ka dhisan.
Maamulka ayaa qoraalka ku xusay in aan la qaabili karin ama la waraysan karin Xoogaga dagaalada kula jira Dowlada Puntland oo ay ku sifeeyeen Kooxo xiriir la leh Al-Qaacid aiyo Kooxda Shabaab Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aanay wasaaradiis waxba ka qaban doonin Wariyayaasha iyo Idaacadaha lagu daray Liiska Al-Qaacida dadka xiriirka la leh waxa uuna ka gaabsaday ka hadalka Xukunkii Agaasimihii Horseed Media.
Hadalka Wasiirka iyo Xukunkii shalay ayaa isku soo beegmaya waxaana arintaasi ay ka dhigantahay Xadgudub toos ah oo Warbaahinta dalka lagu hayo meel waliba ay ka jiraan sida Koonfurta iyo Puntland.
Xafiiska
Comments
comments